Israa’iil oo Saaka aroortii hore duqeymo ka gaysatay Xarunta Dalka Iiraan ee Tehran xili warar aan la xaqiijin sheegayaan in duqeymaha lala eegtay xarunta Nuclear-ka Arak ama Khandab oo 250 KM Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Tehran.
Xarunta Nuclear-ka Arak ee la weeraray ma jirto cid faafaahin ka heysa gaar ahaan hadii madaafiicdu dhibaato gaarsiiyeen xaruntaasi.
Dhanka kale Iiraan oo ka jawaabeysa duqeymaha Yuhuuda ka yimid ayaa iyaguna isla saaka waxay kaga jawaabeen duqeyn ay u adeegsadeen gantaalo ridadoodu dheer tahay.
Gantaalada ay Iiraan ku garaacday saaka dhulka Yuhuuda ayaa ka dhuunmtay hanaana difaaca Mareykanka iyo Yuhuuda wuxuuna toos ugu daatay gudaha dulka Yuhuuda iyadoo warar horu dhac ay sheegayaan inuu jiro khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba inkastoo yuhuudu qarsato jabkeeda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM.
DAYNIILE.COM.
