IIsimada ayaa Waxaa ay Baaq u Direen iyagoo kala jooga degaamooyin kala duwan Madaxweynaha Maxamed Saciid deni iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland in Sideeda XILIBAAN Shaqadoodii Dib ugu Laabtaan Raaligelina la siiyo. Issimadda oo hadlakooda siiwata ayaa waxay yiraahdeen

Madaama Lagu Jiro Xili Kala Guur DOORASHADA iyo Siyaasadda Somaaliya Waqtigan Dawlad Goboleedka Puntland Kuma Haboona in Khilaaf Cusub laga dhex Abuuro Anagoo naga Goantahay Dhamaanteen in Dawlinimadda Puntland oo Qaan Gaartay laa Ilaaliyo ayey Yiraahdeen Issimadda.

ISSIMADDA ayaa waxay Yiraahdeen Yaan loo qaadanin in aan nahay Odoyaal Issimo iyo Nabadoono aan aqoon u lahayn Dastuurka Iyo Sharciga iyo Xeerka U Qoran Dawlad Goboleedka Puntland. Waxaa issimaddu u badan yihiin Aqoonyahano iyo Qareemo(Lawyers ) Beeshoodu ka dhigteen Issimo. Waxaan Si wada jir ah u Soo Dhaweynaynaa Baaqii ay Soo Jeedisay Hayadda Difaacaha Xaquuqda Aadanaha Dawladda Puntland

Wabilaahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here