Munaasabad xus iyo xasuus ah looguna duceynayay shacabkii ku shahiiday weerarkii argagaxisadu 29-kii October 2022 ka fuliyeen isgosyka Soobe ayaa maanta lagu qabtay isla goobtii uu weerarku ka dhacay sanad ka hor maanta oo kale.
Munaasabaddaan oo sidoo kale lagu muujinayay sida aysan bahda waxbarashada u niyad-jabineynin beegsiga Khawaarijta dooneysa bulsho aan waxba baran oo ay dulleystaan ayay si weyn kaga soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.
Advertisement
Wasiiradda Cafimaadka, Waxbarashada, Arrimaha gudaha, Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabdaan.
=XIGASHO :WARBAAHINTA DOWLADA=