ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Inkastoo dhawaan Warbaahinta loo soo dusiyay war lagu sheegay in Xaiiska Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ka hadlay arinta aqoonsi ku sheega Israa’iil ay siisay Maamulka Waqooyiga Somalia ee loo yaqaan Somaliland hadana ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Itoobiya.
Hadaba waxaa is weydiin mudan Itoobiya oo ah dal ka mid dalalka Arika ugu waa weyn maxay uga aamustay, ma waxaa jira shakiyo ku gadaaman inay raali ka tahay madaama ay hore isugu dayeen inay aqoonsi siiyaan Somaliland si ay ugu badashaan marin biyood.
Warar ayaa sheegaya in Itoobiya xaaladaha Geeska Afrika marka ay yara kacsan yihiin ay caadeysteen inay ka gaabsadaan mowjadaha siyaasadeed oo sidaan oo kale ah balse inta badan dadka Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Itoobiya iyo Israa’iil is ogyihiin islamarkaana lagaba yaabo inay iyagu soo kariyeen aqoonsigaan si ay bad uga helaan Somaliland madaama ay Dowlada Somalia ka heleyn.
Dowlada Somalia ayaa ku guuleysatay inay difaacato qaranimadeeda iyo madax banaanideeda markii ay si degdeg ah Caalamka uga gaday in laga wada hortago qatarta ka imaaneysa Israa’iil oo ah Nidaam leh awood Milateri,sidoo kale Somalia waxay ku guuleystay in Mareykanku difaaco qaranimada Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
