ADIS-ABABA (DAYNIIILE.COM)-La taliyaha Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa si fiican u sharaxay heshiiska is afgaradka ah ee ay la galeen Maamulka Somaliland.

La taliye Ridwan Xusen wuxuu beeniyay warkii Muuse Biixi ee ahaa in marka hore iyaga la aqoonsanaayo kadib ay Itoobiyaanku isticmaali doonaan Badda .

Advertisement

Ridwaan wuxuu xusay in markey bada qaataan lana wareegaan islamarkaana saldhiga Milatari degaan kadib ay aqoonsan doonaan Maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu cadeeyay halka loo asteeyay inay Badda ka qaadanayaan ,isagoona sheegay inay tahay Deegaanka Lug-haye oo xuduuda ku taal.

Muuse Biixi wuxuu qariyay sidoo kale  goobta isagoo sheegay inaan wali cadeyn goobta badda uu ka siinayo Xabashida.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleDood ku saabsan maxay Dowlada Somalia ka ogeyd marxaladihii uu soo maray heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
Next articleTaliye ka tirsan Ciidamada Gor-gor oo lagu dilay Dagaalka Saaka ka dhacay Deegaanka Caad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here