Itoobiya Oo Sheegtay Inay Si Cadaalad Ah Doorashadu U Dhici-doonto

0

Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde. ayaa ballan-qaadday in doorashada soo socota ee dalkaasi ka dhici doonta ay noqon doonto mid xor ah oo si caddaalad ah loo qabto.

Itoobiya, ayaa qaban doonta doorashooyinka ka hor bisha September ee sannadka soo socda.

Sahle-Work Zewde, ayaa sheegtay in isbeddello lagu sameeyay guddida doorashooyinka si loo hubiyo madax bannaanidooda.

Madaxweyne Sahle, ayaa kal-fadhiga Baarlamaanka dalkaas ka sheegtay in dowladdu ay hubin doonto nabadda, xasiloonida iyo ammaanka dalkaas.

Muddo-xileedka dowladda haatan jirta waxa la kordhiyay sababo la xidhiidha xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray, ayaa qabsaday doorasho-goboleedka, isagoo diiday amarka dowladda Itoobiya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here