Malaayiin Ethiopian ah ayaa ku barakacay Dagaalka Xukuumadda Addis Ababa ay ka waddo gudaha waddankeeda iyo Abaaraha, iyadoo lagu eedeeyey maamulka Abiy in diyaaradihiisa Drones-ka ay dad Shacab ah ku dileen Gobolka Amxaarada.

goobjoogayaashu waxaa ay sheegayaan in gobolka ay ka jirto xaalad argagax ah iyo cabsi.

Ethiopia ayaa wajahaysa xaalad Bani aadanimo oo daran dad gaaraya 3.45 million ayaana ku barakacay 12 gobol oo dalkaas ka tirsan sida ay ku warantay Hay’adda {IOM } sababta ugu weyn ee sababtay barakaca iyo xaaladaha liita ee dadkaani ay wajahayaan {64%} waa dagaalada dalkaas ay ka waddo Xukuumadda Abiy Axmed (17%) abaaraha ayaa sababay.

Dagaalka sokeeye ee ka socda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia ayaa kor u kacay markii diyaaradaha dagaalka Xukuumadda Ethiopia ay beegsatay goobaha shacab.

November 2023, diyaarad drone ah ayaa duqeyn ay ka fulisay Magaalada Wegel Tena oo 570km Woqooyi kaga began Caasimadda Addis Ababa ku dishay 5 ruux oo shacab ah sida ay ay xaqiijiyeen goobjoogayaal uu wareystay tv-ga Al Jazeera, Drone-ta ayaa sidoo kale duqeysay gawaari Ambalaas ah halkaas oo

Dagaalada Ethiopia ka socda ayaa sidoo kale saameeyey gobolada kale ee dalka sida #Oromia iyo Tigreega oo dagaalo qaraar ay ku dhex mareen kooxo hubeysan oo deegaanka ah iyo Ciidanka dowladda kuwaas oo qasaare xooggan uu ka dhashay.
Previous articleMadaxweyne Xasan oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Masar
Next articleFaah-faahin kulankii dhex-maray Madaxweyne Xasan iyo dhigiisa Masar+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here