HomeWarkiiItoobiyaanka oo markii ugu horeysay sheegatay inay leedahay Dekada Casab ee Ereteria...

Itoobiyaanka oo markii ugu horeysay sheegatay inay leedahay Dekada Casab ee Ereteria iyo xiisad laga cabsi qabo inay ka dhalato 

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)- Major General Tashome, oo kamid ah saraakiisha sare ee ciidamada Itoobiya ayaa si toos ah u shaaciyay in Dalka Ereteria ka mid yahay dhulkooda  gaar ahaan Dekada Asab ee ku taal marinka Badda Cas.
Sarkaalkaan wuxuu ka dhawaajiyay in Dekada Casab leedahay muhiimad istiraatiiji ah islamarkaana Dalkiisa u ah mid laga maarmaan ah, sarkaalkaan ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya hogaanka ciidasmada Itoobiya waxaana laga cabsi qabaa in arintaasi xiisad ka dhalato madaama Eereteria ay colaad gaamuurtay kaladhaxetyso Itoobiya oo ay deris yihiin.
Major General Tashome mar uu soo hadal qaaday oo uu gadaal ugu noqday taariikhdii Ereteria uga baxday dhulweynihii Itoobiya islamarkaana ay u noqdeen Dowlad ka madax banaan ayaa xusay arintaasi ay ka danbeysay dowlad kala-guur ahayd oo aan sharciyad buuxda u lahayn go’aan masiiri ah, sida uu warka u dhigay.
Xiisada laga cabsi qabo inay ka dhalato ayaa ah in Ereteria oo awalba xuduuda ciidamo badan u joogeen inay dagaal u diyaar garoobaan madaama hadalka sarkaalkaani culeyskiisa leeyahay inkastoo had Ereteria la sheego inay gudaha Itoobiya ciidamo ka joogaan madaama ay gacan saar la leeyihiin Qowmiyada Tigreega ee Itoobiya kuwaasoo ku kacsan Ra’iisulwasaare Abiy Axmed.
Eriteria  ayaa noqotay dal ka madax banaan Itoobiya sanadkii 1993-kii markaasoo shacabka Ereteria afti laga qaaday u codeeyeen inay ka go’aan Itoobiya waxaana kor meerayay Qaramada Midoobe, ugu danbeyna waxaa Ereteria si rasmi ah loogu aqoonsaday 24-kii May 1993-kii maalinteeda  xoriyada iyo Dowladnimada.
XAFIIASKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
Ethiopia readying to use Eritrean port – The Ethiopian Satellite Television and Radio (ESAT)
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -