Sida warbixinteenii xalay aan ku soo bandhignay Qaramada Midoobe ayaa war cusub ka soo saartay arinta heshiiskii Badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed taasoo dhalisay in Soomaalidu aad uga carooto.

Qaramada Midoobe ayaa soo jeedisay in kuranka labada dal ay xaliyaan IGAD iyo Midowga Afrika taasoo mar kaliya gudaha Itoobiya laga dareenay siday ugu farxeen iyagoo guul u arka madaama hore Dowladeena Somalia diblomaasiyad ahaan ka adkaatay Itoojiya.

Advertisement

Warbaahinta iyo Baraha bulshada Itoobiyaanka ayaa laga buun buuninayaa warkaan soo jeedinta uun ku eg xili jawaabta Dowlada Somaliyana ay u sii haran tahay.

Hadaba waxaa is weydiin mudan maxay Itoobiyaanku guul ugu arkaan warka QM kaliya waxay iyagu war fiican u arkaan in la dhaho khilaaf baa jira labada Dowladood ha wada hadlaan laaakiin ma jirto wax usoo kordhaya.

Dhanka kale waxaa laga war sugayaa sida Dowladeenu uga jawaabto warka soo jeedinta Qaramada Midoobe.

Sida sharci-yaqaano Soomaaliyeed hore u sheegeen wada hadalku wax uma dhimaayo Dowlada Somalia madaama madaxweynaha Somalia shuruud uga diigay inay  marka hore ka laabtaan heshiiska sharci darada ab.

Si kastaba Dowlada Somalia hore ayay guul weyn uga gaartay dagaalka diblomaasiyada,mana jirto wax uu u dhimayo warkaan QM balse Itoobiyaanku hala wada hadlo ayay guul u arkaan mana ogola Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Maxaa ka jira in Ciidamada Dowladu ka soo baxeen Ceeldheer
Next articleBurcad dareyska ciidamada ku dhici jirtay shacabka oo la soo qabqabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here