Dowlada Soomaaliya oo lacaga badan ka soo gali jiray Canshuurta Qaadka ka yimaado Dalka Kenya ayaa hada u muuqda in aysan Canshuur ka qaadin Qaadka laga Keena Dalka Etoobiya madaama la joojiyey Qaadkii Kenya laga Keeni jiray taa oo loo yeelay in lagu Naas nuujiyo Madaxweyne Farmaajo oo Walaalkii Hada Keeno Qaadka Etoobiya

Masuul ka Tirsan shaqaalaha Canshuura Qaadka oo in magaciiaa la shaaciyo ka Gaabsaday sabaabo in shaqada la Ceyriyo ayaa Dayniile.com u sheegay in Canshuur Dhaaf loo sameeyo Qaadka laga Keeno Dalka Etoobiya madaama uu Soo dajiyo Xasan Farmaajo oo Walaalo la ah Madaxweyne Farmaajo

Canshuur dhaafkaan ayaa aad waxaa ula yaaban shacabka Soomalaiyeed oo marnaba ka filaneynin Madaxweyne Farmaajo in uu sameynayo Eex intaa la eg uu Qaranka Canshuurtiisa ugu dhaafo shaqsi isaga la dhashay

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa u harsan wax ka yar 11 Cisho taa oo ka dhigeyso in Dalka Soomaliya wali helin shaqsi Caadil ah oo Shacabka uu xukumo u Cadaalad Falo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here