Jaamac Caydiid “ Muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku lool Turkiga xaq ayay u leeyihiin in ay dalkooda ku laabtaan

0

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Danjire Jaamac Caydiid, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar uu sheegay in si qaldan loo fasiray, oo uu kaga hadlay xaalada Soomalida ku nool Turkiga ee raba in ay ku laabtaan Dalkooda.

 

Danjire Caydiid ayaa sheegay in muwaadiniinta Somaaliyeed haka yimaadaan Hargaysa iyo Muqdisho in ay xaq u leeyihiin in ay ku laabtaan dalkooda, ayna ka Safaarad ahaan Xaq u leeyihiin in ay la wadagaan dadkaasi sida ugu haboon oo ay ugu laaban karaan Dalkooda.

 

“ Safaarada Somaliya ee Turkiga waxay Wakiil ka tahay Somalida ku Nool Dalkani, waxay Noo soo gudbiyeen Codsi ku aadan in ay rabaan in ay dalkii ku laabtaan, ha haystaan Viso waqtigii ka dhacayo, Daganaansho dalkan Turkiga ah iyo ogolaansho ay dalkaan ku joogaan, dadkaas ma waxaan leenahay Jooga, mase waxaan u raadinaa Sida ugu haboon oo Dalkooda loogu Celin Karo”ayuu yiri Danjire jaamac Caydiid oo xalay aan wax ka Waydiiyay arimahaan.

‘ Sidaad ogtahay maalmo ka hor waxaa Muqdisho ka baxay Muwaadiniin Haysata Pasaporo kala duwan oo Somali ah,  waxaana qaaday Diyaarada Itobiya, marka dadkaas may joogaan inta Corono ka dhamaanayo dalka ay ku dhasheen, soo ma Jeclaan Laheen,  waxay wargaliyeen Dalalka ay ka haystaan dhalashada, waxaana loo fududeeyay sida  Safaaradeena hada wax u fududeynayso, Marka kuwa Warxumo tashiilka ah ee Raba in ay dacaayada la daba joogaan safaarada, uma Hakinayno shaqada Qaranka uu Noo wakiishay Horay ayaan u Soconaynaa, dalaaliinta waxay rabaan ha sheegaan, ”ayuu markale Yiri Safiirka Somaliya ee Turkiga Caydiid oo ka jawaabayay warar saacadihii la soo dhaafay lagu daabacay warbaahinta Somalida.

 

Sidoo kale safaarada Somaliya ee Kenya ayaa sedan oo kale waxay maalmihii la soo dhaafay ku mashquulsaned in Dib loogu celiyo dalkooda, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haysta Pasaporada iyo kuwa haysta Daganaanshaha Somaliya ee haysta pasaporada kala duwan ee caalamka, waxaama warbixin uu Sii daayay TV/ga Citizen uu si Qaldan uga hadlay sidaan oo kale xaalaaas, waxaana arintaas Beeniyay safiirka Soomaaliya ee Dalkan Kenya.

 

Dhinaca kale waxaxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu arintaan ka hadlo safiirka Somaliya ee Turkiga  Danjire Caydiid si uu uga qanciyo Somalida arintaan.

 

Mar aan Safiirka arintaas xalay wax ka waydiiyay ayuu ku Nuux Nuuxsaday,. In aysan waxba ka jirin waxa ay qorayaan Warbaahinta, waxa uuna waxba kama jiraan ku Tilmaamay in ay ka Doonayaan dadkaasi wax macaash ah safaarada ka hesho, waxa uuna wax lagu qoslo ku tilmaamay dadka arintaas baraha buslahada la Wareegayo, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in Dowlada dhexe ay arintaas u igmatay.

 

 

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Nairobi Kenya

Tell +254-711830393

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here