Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo sheegay in si cad uu udiiddan yahay in faraha lalagalo arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo la ixtiraamayo daris wanaagga.

Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu yiri” baarlamaanka Jaamacadda Carabta waxa uu si cad uga soo horjeedaa in lagu xadgudbo Qaranimada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Itoobiya ugu baaqaynaa in ay ilaaliso xeerarka caalamka kuna dhaqanto wada noolaashaha daris wanaagga, iyo ilaalinta qaranimadooda, waana in aanay faraha la galin arrimaha gudaha dalalka dariska la ah si gobolka xasiloonidiisa iyo amnigiisa loo xaqiijiyo”.

Advertisement

Bayaanka kasoo baxay baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in sidoo kale tahay madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mid aan gorgortan laga gali karin oo qayb ka yahay amniga Qaranka Carabta, waxa ayna intaas sii raaciyeen in baarlamaanka Jaamacadda Carabta diyaar ula tahay dowladda Federaalka Soomaaliya garab Istaag buuxa si qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo ilaaliyo.

Previous articleMacawisleyda oo ugu danbeyn gudaha u galeen Magaalada Caad
Next articleQoys ka koobnaa 6 ruux oo ku geeriyooday Xerada Qaxootiga IFO-2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here