Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki, ayaa shaaca ka qaaday in 6-da bisha December ee soo soota la qaban doono  shir caalami ah oo ku saabsan  sidii looga hortagi lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya,isla markaana, kor loogu qaadi lahaa haqab-beelka cuntada iyo kor u qaadista awoodda la qabsiga isbedelka cimilada ee Soomaaliya.

Shirweynahaasi ayaa la filayaa in ay  garwadeen ka noqdaan Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay,si looga hortago khatarta macluusha ee Soomaaliya , kadib markii tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen ay gaareen ilaa 7.8 milyan.

Danjire Zaki oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xoghaynta guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto abaar daran, taasoo ah tii ugu darneyd ee soo marta dalka muddo dhowr iyo labaatan sano ah, kadib markii la waayey roobabkii muddo 5 sano, taasina keentay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay la noolaadaan dhibaato abaareed,

Waxa uu tilmaamay in Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit uu la xiriiray Madaxweynaha Somalia, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia iyo Madax badan oo Somalia ka tirsan, isla markaana ay ka wadahadleen wax ka qabashada  musiibadan ka jirta Soomaaliya iyo sidii  looga bixi karo duruufaha taagan.

Shirkaan caalamiga ah ee Carabtu waa in la isku duba rido qorshayaal hawleed u dhexeeya ururada maxaliga ah, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya si loo wajaho xaaladda ka jirta Soomaaliya ayuu yiri” Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here