HomeWarkiiJabhada Tikreega Itoobiya oo ku eedeysay Dowlada inay jabiyeen heshiiskii nabada

Jabhada Tikreega Itoobiya oo ku eedeysay Dowlada inay jabiyeen heshiiskii nabada

 

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cadaadis diblumaasiyadeed ku saaraan dowladda federaalka Itoobiya si ay u “joojiso colaadda oo ay u ixtiraamto heshiiskii Pretoria,” iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa saxiixayaasha iyo cabsida sii kordheysa ee laga qabo in dib loo bilaabo colaadda.

Baaqan ayaa daba socda eedaymo ay kooxda TPLF oo ah xisbiga muhiimka ah ee dagaalka Tigray-ga u jeedisay dawlada federaalka oo ay sheegtay inay jabisay heshiiskii nabadda kadib markii ay duqayn diyaaradeed ku qaadday ciidamada Tigray-ga subaxnimadii Jimcaha.

Warqad furan oo ay u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayay kooxda TPLF ku eedaysay dawladda dhexe in ay taageerto koox goonni u goosad ah oo Tigree ah oo hubaysan oo ka hawlgasha gobolka ay dariska yihiin ee Canfarta.

Arbacadii, maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigreega in ay u soo gudbeen dhulkooda, iyaga oo sheegay in ay weerareen tuulooyin dhowr ah ay xoog ku qabsadeen.

Dowladda federaalka ayaan weli ka hadlin eedeyntan ugu dambeysay; si kastaba ha ahaatee waxay hore ugu eedaysay kooxda TPLF inay jabisay heshiiskii nabada ayna khalkhal galisay gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -