Manchester United ayaa ka walaacsan mudaharaadyo iyo rabshado ay qorshaynayaan inay ka sameeyaan garoonka Old Trafford maalinta Axadda ee toddobaadka soo aaddan, si la mid ah bishii May.

Taageereyaasha ayaa qasab ku joojiyey kulankii Premier League ee Manchester United iyo Liverpool ee garoonka Old Trafford ee bishii May iyagoo gudaha u galay garoonka oo ay waxyaabo ololayana ku tuureen, iyadoo kulankaasna dib loo dhigay, waxaanay waqtigaas taageereyaashu dalbanayeen in qoyska reer Glazer ay kooxda iibiyaan.

Shan bilood kaddib ayay mar kale Liverpool imanaysaa Old Trafford, laakiin waxa jirta cabsi ah in isla dhacdadaas oo kale ay ku waajahaan.

Luuqyada baraha bulshada ee ay ku xidhiidhaan taageereyaashu ayaa la sheegay inuu ka socdo abaabul mudaharaad oo ay taageereyaashu samayn doonaan Axadda iyaga oo doonaya inay rabshad ka sameeyaan ciyaartaas.

Sida uu qoray wargeyska Daily Star, masuuliyiinta Manchester United ayaa mar horeba la xidhiidhay booliska Greater Manchester iyo masuuliyiinta dawladda oo ay ku wargeliyeen qorshaha taageereyaasha iyagoo dalbanaya in si fiican loo sugo amniga ciyaartan.

Taageereyaasha ayaa markan waxay dalbanayaan in shaqada laga caydhiyo tababare Ole Gunnar Solskjaer kaddib guul-darradii Leicester City ee Sabtidii, barbarrihii Everton ee Old Trafford iyo guul-darradii Aston Villa ee kasii horreysay.

Xaaladda ayaa kasii dari karta haddii ay Manchester United guul ka keeni weydo ciyaarta Champions League ee Atalanta ee toddobaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here