Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iraan ayaa maanta xukun daldalaad ah ku fulisey qofkii labaad oo lagu eedeyey in uu kamid ahaa Dadkii abaabuleyey dibad baxyadii dhawaan gelgiley Dalkaas.

Rahnafard oo Xukuumaddu ay ku eedeysey in uu ahaa khaa,inul wadan ayaa maanta Fagaare Dalkaasi ku yaala lagu deldeley Xeli ay daawaneyeen Boqolaal kun oo Dad ah.

Eraan ayaa wacad ku martey in ay ciqaabi doonto Cid walba oo xiriir laleh Dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa Abaabuleya Banaanbaxa Dalkaasi ka dhacay dhawaan, Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtey in ay barataareyso dibad baxyaasha.

Waxaa dhawaan Xukun kan oo kale ah sugeya in kabadan 17 qof kuwaas oo ku eedeysan u shaqeyn Dalal shisheeye, Eraan ayaa waxaa ay u muuqataa mid gacan aan naxariislahayn ku wajahaysa Dadka finally wadayaasha ah.

By Cabdi wahab Aadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here