HomeCiyaarahaJamie Carragher oo kashifay ciyaaryahanka Liverpool u suurageliyay inay Nottingham garaacdo.

Jamie Carragher oo kashifay ciyaaryahanka Liverpool u suurageliyay inay Nottingham garaacdo.

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa si gaar ah u amaanay doorka Dominik Szoboszlai ka qaatay goolkii guusha ee ay Liverpool dhalisay kulankii ay la ciyaartay Nottingham Forest.

Goolkaas, Szoboszlai ayaa kubbad qurux badan ku dhex tuuray xerada ganaaxa, taas oo keentay in Virgil van Dijk uu sameeyo isku-daygii ugu horreeyay, kadibna Alexis Mac Allister uu ka faa’iideysto kubbaddii soo laabatay.

Markii uu falanqaynayay goolka, Carragher wuxuu si dheer uga hadlay maskaxda Szoboszlai, isaga oo tilmaamay waxa uu ugu yeeray “kibir kubadeed”:

“Waxa aan ku jeclahay arrintan waa kibirka kubadeed ee ku jira,” ayuu yiri Carragher.

“Kubbaddu markay u timaaddo, waa sahlan tahay inuu dib ugu celiyo Joe Gomez ama uu u wareejiyo Andy Robertson. Mararka qaarna wuxuu habeeyaa baasas sax ah.”

Si kastaba, Carragher wuxuu rumeysan yahay in Szoboszlai uu hadda gaaray heer kale:

“Xilli ciyaareedkii hore ama kii ka sii horreeyay, Szoboszlai wuxuu sameyn lahaa baasas iska sahlan aan caqabado lahayn. Hadda wuxuu leeyahay kalsoonida iyo kibirka ah: ‘Anigu waxaan ka mid ahay ciyaartoyda ugu fiican kooxda, Premier League-ga iyo Yurubba, waxaana u horseedi doonaa kooxda horumar.’”

Carragher wuxuu ku daray:

“Wuxuu go’aansadaa inuu siduu doono u ciyaaro. Taasi waxay ka timaaddaa kalsooni iyo kibir buuniyeed.”

Falanqayntan ayaa muujinaysa sida Szoboszlai uu ugu koray kalsooni iyo hoggaan gudaha kooxda Liverpool, isagoo hadda noqday ciyaaryahan go’aan saxan gaara marka ay ciyaartu u baahato.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -