HomeCiyaarahaJamie Carragher oo magacaabay kooxda ugu fiican Europe wakhti xaadirkan

Jamie Carragher oo magacaabay kooxda ugu fiican Europe wakhti xaadirkan

XIGASHO LAACIB.NET

Arsenal ay 3-1 kaga badisay Bayern Munich kulankoodii Champions League ee Arbacadii ka dhacay garoonka Emirates.

Saddexda gool ee ay Arsenal dhalisay waxaa saxeexay Jurrien Timber, Noni Madueke iyo Gabriel Martinelli, taasoo Gunners u xaqiijisay guul weyn oo ka dhan ah kooxda Bundesliga-da ka dhisan.

Carragher oo la hadlayay CBS Sports kadib ciyaarta ayaa yiri:

“Arsenal waa kooxda ugu fiican Yurub hadda.

Waxaan horay u sheegnay inay yihiin laba kooxood oo awood badan, laakiin hadda Arsenal ayaan dhihi karaa waa kooxda ugu fiican Europe, maadaama ay meel saareen Bayern. Ma hubi in ay awoodi doonaan inay weli noqon karaan kooxda ugu fiican Yurub marka la gaaro bisha May.

Waddo dheer baa sugaysa, laakiin waqti xaadirkan cidna ma gaarto.”

Ciyaarta xigta ee Arsenal waxay tahay kulanka Premier League ee ay todobaadkan la ciyaarayaan Chelsea.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -