HomeCiyaarahaJamie Carragher oo si aan horay loo arag u weeraray Mo Salah

Jamie Carragher oo si aan horay loo arag u weeraray Mo Salah

XIGASHO LAACIB.NET

Jamie Carragher ayaa soo bandhigay qiimeyn adag oo ku saabsan hoos u dhaca Liverpool, isaga oo sheegay in Mohamed Salah “lugihiisu dhammaadeen” kadib markii kooxda lagu dardaray 4-1 kulankii Champions League ee PSV ay ku ciqaabtay Anfield.

Difaacii hore ee Liverpool ayaa tilmaamay in Salah, Virgil van Dijk iyo Alisson Becker aysan hadda ku jirin heerkii ugu sarreeyay ee lagu yaqaanay, isaga oo xusay in Salah uu lumiyay orodkii xawaaraha lahaa ee uu ku caan baxay, inkasta oo xilli ciyaareedkii hore uu ku dhaliyay 34 gool iyo 23 caawin dhammaan tartamada.

Carragher wuxuu yiri:

“Bilowgii, Liverpool waxaa horseed u ahaa Alisson, Van Dijk iyo Salah. Alisson hadda dhaawacyo badan ayuu leeyahay, uma ciyaaro sidii hore. Van Dijk-na ma aha ciyaaryahankii hore, Mo Salah-na waxaad mooddaa lugihiisii inay dhammaadeen.”

Wuxuu xusay kala duwanaanta safarka Liverpool laga soo bilaabo heerkii sare ee 2018 ee Jurgen Klopp ilaa dhibaatada uu hadda la tacaalayo Arne Slot, isaga oo ku booriyay Salah, halyeeyga kooxda; inuu muujiyo hoggaan iyo daahfurnaan taageerayaasha hortooda, iyadoo kooxda laga badiyay 9 jeer 12-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Carragher wuxuu sidoo kale tilmaamay in saxiixyada waaweyn ee kooxda, sida Alexander Isak iyo Florian Wirtz, aysan weli soo bandhigin waxqabadkii la filayay, halka Ryan Gravenberch iyo Alexis Mac Allister ay u muuqdaan kuwo aan isku kalsoonayn.

Inkasta oo uu qiray in dhaleeceynta ay adag tahay, haddana wuxuu sheegay in ciyaartoyda waaweyn ay tahay inay mas’uuliyadda qaataan, wuxuuna ku daray in Van Dijk hadda u baahan yahay gargaar halkii uu isagu bixin lahaa.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -