XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa su’aal galiyay in Mohamed Salah uu weli mudan yahay inuu si toos ah ugu jiro safka koowaad ee Liverpool, kadib bandhig liita oo uu sameeyay kulankii 2-1 Liverpool loogu awood sheegtay.
Salah ayaa seegay laba fursadood oo caddaa, waxaana uu hadda todoba kulan oo Premier League ah ku jiraa isagoo aan wax gool ah dhalin (penalty la’aan), taasoo ah hoos u dhacii ugu dheeraa tan iyo markii uu yimid Liverpool.
Carragher ayaa sheegay in waqtigu uu yimid in Arne Slot uu bilaabo inuu si taxadar leh u isticmaalo xiddiga reer Masar:
“Waxaan u maleynayaa inaan hadda joogno heer uu Mo Salah uusan ahayn ciyaaryahan si joogto ah bandhig wanaagsan u sameeya usbuuc kasta. Tani waa caqabadda dhabta ah ee tababaraha hortaalla.”
“Liverpool waxaa horyaalla laba kulan oo ay bannaanka ku ciyaarayaan — Champions League oo ay la leeyihiin Frankfurt iyo mid kale oo Brentford ah. Ma rumeysni inuu Salah labadoodaba ku bilaaban doono.”
“Waa inuu had iyo jeer kusoo bilaabaa Anfield, sababtoo ah halkaas Liverpool waa kooxda maamusha ciyaarta, wuxuuna inta badan gool ku dhaliyaa fursadahaas. Laakiin marka ay bannaanka joogaan, gaar ahaan marka loo baahan yahay in difaaca la caawiyo, ma u maleynayo inuu hadda ku habboon yahay inuu ciyaaro kulan kasta, maadaama uu ku jiro xaalad aan fiicnayn.”
Carragher ayaa intaas ku daray:
“Waa 33 jir, markaa waa inuu fahmaa in mararka qaar la nasiyo. Haddii aad goolal badan dhalinayso waa arrin kale, laakiin markaad si liidata u ciyaarayso, maxay dooddaadu noqon kartaa?”
Salah ayaa weli ah gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda Premier League ee Liverpool, balse cadaadis ayaa saaran, iyadoo jamaahiirta iyo khubaradu ay dalbanayaan in si taxadar leh loola tacaalo waqtigiisa garoonka.
XIGASHO LAACIB.NET
