Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cusman Jawaari si adag kaga hadlay damaca Itoobiya iyo dadka Soomaalida ee garabka ku siinaya.

Jawaari wuxuu ku baaqay inaan loo naxariisan oo Maxkamad ka soo taagaa kuwa iibsaday Badda isagoo xusay in dalku yeeshay caddow badan.

Advertisement

“Badda kaliya looma socda ee xitaa dhulka ayaa loo socdaa maxaa yeelay dalkeenu waa qani” ayuu yiri Jawaari

Jawaari wuxuu sharci daro ku tilmaamay heshiiska Muuse Biixi uu la galay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaasoo ah in Badda Somalia ay ku dhaqanto Itoobiya.

talaabadaasi qaanuuni ah sharci maaha dal ahaan iyo caalam ahan waa waxkama jiraan”ayuu yiri Prof.Jawaari

“sheekooyina nuucaan ah ugub naguma ah mar dhaw bay ahayd markii Kenya ay dhul Badeed nagu qabsatay,mana heyso bad la’aa taasi waxay cadeyneysaa in sheekadu bad ka wayn tahay oo Soomaaliya ay tahay meel qani wada ah”ayuu mar kale yiri Jawaari

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka wuxuu sidoo kale sheegay in Somalia leedahay shidaal iyo macaadin sidaas  daraadeed loo baahan yahay in diyaar garow badan loo baahan yahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoonka Baarlamaanka Puntland oo la dhameystirey
Next articleDAAWO: Caawa maxaa ka soconaya Xeebta Liido

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here