Ciyaar ka tirsan Wareega 8 Koobka Aduunka 2022 oo Caawa la Isla gaaray rigoorayaal ayaa dhexmattay Xulka Croatia iyo Xulka Brazil waxaana ciyaarta oo aheyd mid adag la isku Mari waayay 1-1 iyadoo Gool uu Brazil u daah furay waqtigii dheeriga 30 daqiiqo laacibkooda 10.neymar uu ka jawaabay lambarka 16 Croatia waxaana loo dhigay rigoorayaal

Brazil waxaa ka qasaariyay 2 rigoore. Rodrigo iyo Marquez waxaana u dhaliyay casamiro iyo bedro halka Croatia 4 ta rigoore ay wada dhaliyeen loomana baahan in ay tuurtaan rigooradii 5 ee ugu dambeysay maadaama Brazil ay qasaariyeen 2 rigoore.

Xulka Croatia oo kaalinta 2 ka galay koobkii Aduunka 2018 ayaa la is weydiinayaa ma gaari doonaan markale finalka

Xulka Brazil oo koobkoodii ugu Dambeeyay hantay 2002 20 sano ka hor ayaa ku dhacay sanadkaana halkii uu ku dhacayay ee Wareega 8 iyo 4 koobabkii la.soo dhaafay ee 2006; 2010 ; 2014 iyo 2018 waxa ayna awoodi waayeen sanadkaan 2022 oo ay aad isku Soo adkeeyeen inay gaaran finalka Koobka Aduunka 2022

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here