Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare ” Madaxda Somalida ee Dhuusamareeb ku shirsan halkay xafiisyada qabow ku shiri lahaayeen ha tagaan xeryaha qaxootiga si ayagoo arkaaya dhibaatad..

0

Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare oo kamid ahaa musharixiintii isku soo taagtay Maamulka Galmudug, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Dalka iyo shirarka ka socda magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug maalmihii lasoo dhaafay.

Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare oo ah siyaasi Qunyar socod ah ayaa sheegay in Guulo ka soo bixi karaan shirkaasi, waxa uuna sheegay in hadii ay isku tanaasulaan sharcigana eegan shirarkaasi Natiijo ka soo bixi karto.
” waxaan ugu baaqayaa Madaxda ku shireysa Duusa-mareeb ee heer Federaal & heer gobal in ay xusuustaan marxalada adag ee Dalku maraayo sida: dhibaatooyinka bani aadamnimo, jahawareerka siyaasadeed, dhibaatooyinka Amni, kuwa dhaqaalo iyo unuglaashaha ay bulshadeenu u nugushahay qalalaasaha iyo qeybsanaanta ku saleysan Gobaleysi” ayuu yiri Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare oo la hadlayay Bogan.

” waxaan leeyahay Madaxda Dalka marka aad qaadanaysaan go’aanada Xusuusta hooyooyinka tabaaleysan & caruurta soomaaliyeed ee da’da yar ee daryeel la’aanta iyo baahida ugu baaba’aya deegaanada ay xukumaan, ha xusuustaan inta amni darada ugu dhimaneysa Dalka iyo inta qaxootiga ah ee ku dayayacan gudaha Dalka iyo dibadahaba”ayuu mar kale yiri Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare

sidoo kale waxauu sheegay Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare in Xafiisyada quryxda badan ee qabow oo ay fadhiyaan madaxda Dalka ay tahay Waxay ku fadhiyaan Dareenka shacabka Soomaaliyeed,ayna Xusuustaan dhibaatadashacabka Soomaaliyeed ku haysata xeryaha qaxootiga iyo daafaha Dunida.
” Shirka dhuusa mareeb waa jaanis aan soo noqon doonin ee yaan la beerdareyn, hana ka soo baxaan go’aama u dhigma mas’uuliyada aad heysaan iyo waqtiga adag ee la marayo” ayuu mar kale talo ku soo Jeediyay Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare oo ah siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee Mustaqbalka ku leh dalka Soomaaliya in ay Hogaamiyaan.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here