Jen.C/raxman Tuuryare oo ah agaasiihii hore ee sirdoonka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalada Muqdisho ka socda isagoona taaeersan dagaalka Dowladu kula jirto mucaaradka Soomaaliya ee Golaha Mustaqbalka.
Jen.C/raxman Tuuryare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook wuxuu ugu baaqay shacabka reer Muqdisho inay adkeysi muujiyaan inta ciidamada Dowladu kaga adkaanayaan mucaaradka.
“Si loo xureeyo hal hoteel oo Alshabaab qabsadaan ayaa maraka qaar qaadan jirtay ku dhawaad 24 saac,Magaalada badankeedna u xirnaan jirtay. ee in sharciga la horgeeyo akhyaarta afgambiga dhicisoobay isku dayday ka badan qaadan meysee hala adkeysto” ayuu yiri Jen.Tuuryare
Sidoo kale Siyaasigaan wuxuu bartiisa Facebook ku soo qoray inaan la joogin 1991-dii oo xogta iyo Wacyiga sare ee bulshada uu yaraa.
“Kuwa fitnada afuufaaya oo qabiilada sharafan ku xoqanaaya;ha ogaadaan 1991di lama joogo ee xogtu yareed.Wacyiga sare ee bulshada xamar waxuu u kala saarayaa Dowladnimada iyo shakhsiyaad dano siyaasadeed oo u gaar ah fowdo u bilaabay” ayuu mar kale yiri Jen.C/raxman Tuuryare oo ku reer ah Madaxweyne Xassan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

