HomeWarkiiJen. Gacma-dulle ma xalin karaa xiisada ka dhex taagan Dowlada iyo Jen,Saneey...

Jen. Gacma-dulle ma xalin karaa xiisada ka dhex taagan Dowlada iyo Jen,Saneey Cabdulle Jen Gacma dulle & Saraakiil kale oo beesha Muddulood ka soo jeeda ayaa la soo werinayaa in ay ku baxeen Xiisada u dhaxaysa Gen saneey Abdulle & Taliska Ciidanka Xogga dalka.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Jen Gacma Dulle  oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xooga ee caanka ayaa la sheegay inuu u istaagay xalinta xiisada ka dhex taagan Jen.Saneey Cabdulle iyo Dowlada Soomaaliya taasoo sababtay in Dowladu ciidamo badan geyso Degmada Gubadleey oo Saney Cabdulle uu degan yahay.

Dowlada ayaa qorsheysay inay hub ka dhigis ku sameyso Saneey Cabdulle xili ay uga shakisan yihiin sida la rumeysan yahay inuu caawin karo mucaaradka hadii ay Dowlada dagaal kala hortagaan sidii dhacday xiligii Farmaajo markaasoo dagaalkii bilowday subixii uu dhamaaday habeenkii saq dhexe waliba iyadoo Ramadaan ay ahayd.

Wararka ayaa tilmaamaya Jen,Gacma Dulle oo kaashanaya Saraakiil kale oo Beesha Muddulood u dhalatay inuu bilaabay sidii uu ugu kala dab qaadi lahaa labad dhinac si uu heshiis u dhex dhigi oona looga baaqdsado dagaal dhiig ku daato.

Lama yaqaan sida uu ugu guuleysan karo xalinta khilaafkaani oo wali taagan walow aaney jirin wax iska hor imaad ah balse Dowlada ayaa qaaday talaabooyin muujinaya xiisada markii dhawaan ay xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gubadleey iyadoona mid cusub lagu badlay madaama Gudoomiyaha uu aad ugu dhaw yahay Saneey Cabdulle.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

No photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -