HomeWarkiiJen. Jimcaale Takar oo Caawa ku laabtay Garowe kadib mudo uu ku...

Jen. Jimcaale Takar oo Caawa ku laabtay Garowe kadib mudo uu ku xayirnaa Laas-caanood

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Taliye Jen.Jimcaale Takar ayaa Caaw si nabad ah ku gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland halkaasoo ay ciidamadiisu fariisin ku leeyihiin.

Jenaraalka wuxuu mudo bil ah ku xayirnaa Magaalada Laascaanood madaama isaga iyo maamulka Puntland isku hayeen ku laabashadiisa Garowe balse ugu danbeyn hada la xaliyay.

Warar kala duwan ayaa duwan ayaa ka soo baxaya qorshaha Jenaraalka ee ku laabashadiisa Garowe marka laga eego wararkii sheegayaya on Dowlada Somalia u magacowday Taliyaha  Guutada 54-aad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Jararaalka uu la heshiiyay Saciid Deni islamarkaana lagu wado inuu saacadaha soo socda Garowe kaga dhawaaqo inuusan ka tirsanayn Ciidamada Xooga ee Dowlada Faderaalkq Soomaaliya islamarkaana aysan jirin xil Dowladu u soo magacowday.

Wararka kale ayaa iyana sheegaya in Taliyuhu shaqadiisa qabsan doono taasoo ah inuu hogaamiyo Ciidamada Xoogga ee ka howlgala deegaanada Puntland.

Wararka la xiriirinaya Janaraalka inuu Saciid Deni la heshiiyay waxay yilmaamayaan in gabi ahaanba ciidanadiisa gaarka u deganaa halka lagu magacaabo Ligle in la kala dirayo oo ciidamo kale lagu kala dari doono.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -