GEN.ODOWAA OO U SHAQEYNAAYA FARMAAJO & FAHAD YAASIIN

Kala furfurka Saraakiisha BADBAADO QARAN

Odawaa Yusuf Raage taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa billaabay kala furfurka saraakiisha ciidammada gaar ahaan kuwa Xogga dalka, waxaa jira ilo xog ogaal ah oo sheegaya in xiriir uu dhexmaray Odawaa iyo saraakiisha qaarkood, isla markaan uu u ballanqaaday Jagooyin ciidan, qidmo dhaqaale iyo in aan la beegsan doonin.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in laga dooday habka ay uga bixi karaan difaacyada gaar ahaan aagga Mirinaayada, Odawaa ayaa soo jeediyey in berri xubno ka tirsan guddiga dib u habeynta iyo tirokoobka ciidanka uu u diri doona magaalada Jowhar, si saraakiisha qeybta 27-aad ay halkaas u aadaan, saan tirashona ay u noqoto.

Ilo saraakiisha ku dhow ayaa sheegay in saraakiisha qaar aysan ka warqabin halka kuwa kalena ay ka soo horjeesteen isla markaana ay ku habjabeen in haddii ay Jowhar tagaan xubnaha guddiga tirokoobka ciidanka ay beegsan doonaan oo aysan marnaba tallaabadaas akhbali doonin.

Qorshaha Odawaa Yuusuf Raage waxa uu dhabar jebinayaa dedaallada Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee ku aaddan in magaalada laga saaro ciidammada iyagoo heysta kalsooni weyn, guddigana uu u magacaabi doono Ra’iisul wasaare Rooble arrintaas.

Lasocda dayniile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here