Bismillah

Sidii aan xalay idinkugu sheegay madaxwaynaha muddo xileedkiisa dhamaaday wax xil ka qaadis ah iyo magacaabis ah intaba ma samayn karo sababo la xiriiro waqtigii ama mandate kii uu sharciga u lahaa oo ka dhacay isla markaana yahay xil gaarsiiye kaliya.

Hadaba waxaa nasiib daro aad u wayn ah iyo sharci ku tumasho warqadda uu madaxwaynihii hore soo saaray taasoo uu ku sheegay darajadii ciidannimo iga xayuubiyay waxaana shacabka Soomaaliyeed u cadaynayaa inay waxba kama jiraan tahay warqadaas darajadeeda ciidanimo aysan wax saamayn ku yeelan doonin.

Waxa aan u dhaartay waa in dalkaan iyo dadkaan aan si daacad ah ugu shaqeeyo lakiin uma dhaaran shaqi iyo rabitaankiisa inaa ku shaqeeyo.

Wabilllahi Towfiq

Gen Sadaq Omar Hassan – Sadaq John

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here