Jeneraal Qasem Suleimani oo maanta lagu aasayo dalka Iran

Waxaa maanta la filayaa in Koonfurta bari ee dalka Iran lagu aaso Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Quds ee Iran, kaas oo uu Mareykanka ku dilay duqeyn dhanka cirka ah.

Wakaaladda wararka ee ISNA ee Iran ayaa kusoo warrantay in meydka Jeneraal Qasem Suleimani la geeyay magaalada uu kasoo jeedo ee Kerman, halkaasi na lagu aasi doono maanta oo talaada ah.

Aaska Jeneraalkan ayaa lagu wadaa in ay kasoo qeybgalaan dad aad u tira badan oo uu kamid yahay hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatullahi Cali Khumanein, Madaxaweynaha Iran, Xassan Ruxaani iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale maanta ku eg saddexdii cisho ee baroordiiqda ahayd ee loo sameynayay Qasem iyo dadkii kale ee lala dilay.

Inkastoo aan la ogeyn tallaabada xigta ee ay Iran qaadi doonto, si ay Jeneraalka ugu aarguddo ayaa haddana maalin kahor, waxaa lataliyha arrimaha milateriga ee hogaamiyaha ruuxiga ee Iran uu sheegay in tallaabada xigta ee laga fili karo Iran ay tahay in ay si toos u bartilmaameedsato “xarun milateri oo uu Mareykanka leeyahay”.

Lataliye sare Dehghan oo sidoo kale horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga ee Iran ayaa sheegay in tallaabada xigta ay ka imaan doonta Iran, balse aysan ahayn mid laga sugi doonaa kooxaha taabacsan ee ka dagaalama gobolka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064