Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in diidmada Trump uu diiday in uu ogolaado in doorashada looga guuleystay ay tahay ceeb ama wax laga xishoodo.

Balse Biden oo tan iyo shalay xiriirro kala duwan la sameynayay hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku adkeysanaya in aysan jirin wax ka hor-istaagi karayo in uu xilka la wareego.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in ugu dambeyntii isaga ay raaci doonto guusha doorashada oo inta badan warbaahinta ay saadaalisay in uu ku guuldarreysan doono

Wali si rasmi ah looma xaqiijin natiijada dhammaan codadkii laga dhiibtay gobollada dalka, waxaana wali soconaya tirinta codadkii la dhiibtay. Natiijada rasmiga ahi ayaa la shaacin doonaa kaddib marka ergooyinka doorashada ay kulmaan 14 bisha Diseembar.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here