Guddoomiyaha Golaha Shacabka  BJFS  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa uu maanta hoyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho kula  kulmay madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaalada dalka uu marayo iyo arrimaha doorashada madaxweynaha.

Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulanka kaddib u hambaleeyay Guddoonka BJFS,  isaga oo Eebbe uga baryay in xilka loo doortay uu ku asturo.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan xildhibaanadii lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here