Maamul goboleedka Jubbaland ayaa dhaliilay hadalkii shalay ka soo yeeray Madaxweyne waqtigiisa dhamaaday Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka iyo amniga uu ku wareejinayo Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xil-gaasiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan weli wareejin mas’uuliyadii amiga, isagoo balan qaadkiisii shalay ku tilmaamay marin habaabin.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha looga fadhiyo in amniga guud ee dalka uu ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha, maadaama meel kasta dalka ay ciidamo isku hor fadhiyaan, sida uu sheegay wasiir Cabdi Xuseen.

Sidoo kale Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Beledweyne, iyo gobolka Gedo ayuu tusaale u soo qaatay, in ciidamo ka wada tirsan dowladda ay isku hor fadhiyaan, isla markaana Rooble uusan weli awood u laheyn inuu kala qaado.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here