Gudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa faah-faahiyay howlaha shaqo ee maanta u qabsoomay guddiga SEIT Jubbaland.

Siyaad ayaa sheegay in maanta la doortay dhammaan 16 kursi ee dhawaan loo wareejiyay degmada Ceelwaaq.

Kuraasta maanta la doortay waxaa ka mid ah.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP123 ayaa waxaa ku tartamay musharax Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan & musharax Xildhibaan Sacdiyo Cabdullaahi Shire waxaana ugu dambayn ku guulaysatay Marwo Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan.

Axmed Cismaan Ibraahim & Aadan Gaarane Cabdullaahi ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP131 waxaana sida ay guddigu shaaciyeen ku guulaystay Mudane Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here