KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Jubaland ayaa si weyn loogu dhaliilay siyaasada Dowlada Somali ay ku wajaheyso Gobolka Geedo gaar ahaan waxay si gaar ah Jubaland Dowlada ugu eedeysay masuuliyada dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Balad-xaawo oo sarkaal sare looga dilay Jubaland.
Jubaland waxay warsaxafadeedkeeda ku shaacisay in weerarkii Beladxaawo si bareer ah loogu qaaday ciidamadooda ku sugnaa Balad-xaawo talisyada ay ka degan yihiin
Madaxweyne Xassan ayuu Maamulku si gaar ah ugu eedeeyay inuu lahaa amarka weerarka lagu qaaday ciidamadooda ku sugnaa duleedka Balad-xaawo,sidoo kale C/rashidi Janan ayay ku eedeeyeen inuu yahay fuiyaha amarka Madaxweyne Xassan.
Warsaxaafdeedka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

