HomeWarkiiJufo ka tirsan Beesha Abgaal oo ku hanjabtay inay dhamaanood Dowlada isku...

Jufo ka tirsan Beesha Abgaal oo ku hanjabtay inay dhamaanood Dowlada isku qarxin doonan hadii…

WARSHEEKH (DAYNIILE.COM)-Mid ka mid beelaha Soomaaliyeed ayaa muujisay cabasha ay ka qabaan qorshe Dowladu wadato oo ah in dhul iyaga ay leeyihiin oo aan lagala tashan in laga dhiso xarun dayax-gacmeed oo markii ugu horeysay dalka laga dhisayo.

Halka la sheeay in xarunta dayax-gacmeedka laga dhisayo oo ah Deegaanada Bashaqle iyo Dumar ayaa hoos taga degmo xeebeedka Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaana dega reerka Xildhibaan Xaadoole.

Beeshaan oo Abgaal ka tirsan ayaa ah Galmaax oo ah jufada hoose ee uu ka soo jeedo Gudoomiya Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungab) kuwaasoo maanta soo bandhigay hub ay sheegayaan inay kaga hor tagayaan Dowlada hadii dhulkaasi la isku dayo in laga boobo sida ay warka u dhigeen.

Odey dhaqameedyada iyo dhalinyarada beesha ayaa sheegay in Dowladu faderaal tahay islamarkaana aan la is boobi karin,waxay si gaar ah eed ugu jeediyeen wasiirka dekadaha C/qaadir Jaamac iyo laba shirkadood oo ku xusan boor lagu cadeeyay in Dowladu deegaanadaasi ka dhiseyso xarun dayax gacmeecd.

Mid ka mida dhalinyarada hadashay ayaa si weyn ugu eedeeyay Wasiir Jaamac inuu ka dambeeyo dhul-boobka ay ka hadlayaan isagoona ku hanjabay in reerkiisa hoose ee Bariise Mataan ay dhamaantood is qarxin doonaan hadii Dowladu isku deydo inay dhulkooda xoog ku qaadato.

“haddii la yimaado meeshaan waa isku wada qarxeynaa dhulkaan,wasiir Jaamac ninkaan la leeyahay mahaan maaha bay iyo bakool,mahaan waa hirshabelle, waacaro abgaal-gaar ahaan Galmaaxyoonis, gaar ahaan Bariise Mataan,baydhaba inya ka soo gudubtaad hirshabelle iigu imaaneysaa  waaba adduunya gadoon, halaheyna waa is wada qarxeynaa”ayuu yiri ninkasi yu hadlay dadka deegaanada Bashaqle iyo Dumar.

Eedeynta ay soo jeediyeen reerka uu ka soo jeedo Gudoomiye Muungaab wali Dowladu kama hadlin jiritaankeeda,odayaasha iyo dhalinyarada waxay ku cataaben in dhulkaasi yahay dhul beereed aan iyaga ka badnayn.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -