Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u fasaxday kaalmadii dhanka raashinka ee ay siin jireen Soomaaliya ee loo soo marin jiray hay’adda World Food Program (WFP) gaar ahaan dadka u baahan gar gaarka dhanka cunada kadib asbuucyo ay hakad geliyeen markii dhawaan la jabsaday bakhaar Hay’ada WFP ku lahayd Dekada Magaalada Muqdisho.
Go’aanka Mareykanka uu dib ugu fasaxay kaalmadii ay siin jireen Somalia ayaa timid kadib markii Dowlada Somalia ay qiratay masuuliyada wixii ka dhacay Dekada Magaalada Muqdisho markaasoo Dowladu burburisay bakhaar ay lahayd Hay’ada cuntada Aduunka ee WFP madaama dekada ay ka socotay howlo balaarin ah.
“Mareykanka wuxuu aqbalay masuuliyadda dowladda Soomaaliya ay ku qaadatay falkii loo geestay howlaha hay’adda WFP, Kadib qirashada, waan fasaxaynay howlahii WFP balse wali waxaan dib-u-eegis ku wadnaa howlaha guud ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska gargaarka shisheeye ee hoos yimaada wasaarada arimaha dibedda Mareykanka
Mareykanka waxay sidoo kale warbixintooda ku sheegeen inaysan aqbalayn in gar-gaarka ay geeyaan Soomaalia la leexsado oo si sharci daro loo maamulo.
“Maamulka Trump waxaa ka go’an diidmada xatootayada, tuuganimada iyo leexsiga mucaawanada uu bixiyo Mareykanka.” ayaa lagu yiri qoraalka” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta Xafiiska gargaarka shisheeye ee Mareykanka
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
