Fadhiyada golaha shacabka Soomaaliya ayaa kooram la’aan u baaqanaya markale, ilaa hadda mudanayaal taabacsan Xukuumadda oo gaaraya 30 xildhibaan ayaa joogta.

105 xildhibaan in kabadan ayaa Mooshin ka saxiixay gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka Federaalka, kuwaas oo diidan in Sacdiya shir guddoon kanoqoto shirka maanta.

Fadeexada la xariirta, sida loo ceyriyey 54 kamid ahaa ilaalada golaha shacabka, looguna bedeshay dad aan Askar kale aheyn ayaa dood kataagan tahay.

Guddiga difaaca iyo Amniga ayaa dhankooda soo gudbiyey in loo yeero dhammaan Madaxda Hay’addaha Amniga, si wax looga weydiiyo xaalka Amniga Qaranka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here