Dalalka Midowga Yurub iyo Mareykanka oo intooda badan iskula jirey Isbahaysiga NATO islamarkaana qeyb ka ah dalalka reer Galbeedka loo yaqaan loona tiraayo qeyb muhiim ah oo ka mid ah quwadaha dunida maanta ku loolamaya ayaa hada waxaa muuqata inuu soo kala dhex galay xiisado siyaasadeed iyo kala shaki ka timid ismuujinta Madaxweyne Trump ee ku saleysan awoos shaagashada.
Xiisada ugu weyn waxa hada ka dhalatay kadib markii si cad u Trump u sheegay inuu doonayo inuu awood kula wareego Jaziirada Greenland oo ka itirsan dhulka Denmark balse si iskood isu maamula.
Go’aanka awood sheegashada Trump waxaa ku soo baraarugay Dalalka Midowga Yurub kuwaasoo markii ay damceen inay saaxiibkood Mareykanka ka difaacaan Trump,waxayna markiiba qaadeen talaalo ay ciidamo si dedgeg ah ugu geeyeen Jaziirada la isku heysto ee Greenland si ugu diyaar garoobaa weerar ka iman kara Mareykanka.
Talaabada Yurub waxay keentay in Trump ku hanjabay inuu canshuur kordhin ku soo rogayo hadey ka hor yimaadaan rabitaankiisa taasina waxay keentay in Midowga Yurub laftigoodu isku tashi muujiyaan iyagoo degdeg ciidamo u geeyay
Iyadoo dhowr maalmood xiisadaasi taagnay ayaa ugu danbeyn shalay Trump wuxuu bartiisa X ama Twiter ku soo qoray inuu la laabtay go’aankiisa uu yurub ku cunaqabateynayo balse taasi wali reer Yurub shaki bay muujinayaan inay dhab ka tahay.
Madaxweynaha Faransiiska oo si cad u muujiyay shakigiisa ayaa shir shalay ay yeeyeen reer Yurub wuxuu ka sheegay inay feejigan muujinayaan kadib Trump ka laabashadiisa cansuur kordhinta Yurub taasina waxay cadeyn u tahay in aysan wali kalsooni sababta ugu weyn waa arinta Greenland oo Trumo uusan sheegin inuu ka tanaasulay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
