Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliska booliiska isbadal ku sameeyay qaar kamid ah taliyaasha saldhigyada gobolka Banaadir, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Wareegto kasoo baxday taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa isbadal lagula sameeyay qaar kamid ah taliyaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir halka kuwa kalana xilka laga qaaday.

Sida aan wararka ku helnay talaabadan isbadalka lagula sameeyay taliyaasjha saldhigyada Muqdisho ayaa salka ku heysa cabsi laga qabo in taliyaasha qaar xiriir kala dhaxeeyo taliyihii booliiska gobolka Banaadir Saadaq Joon oo hada mucaarad ku ah dowlada.

Waxaa sidoo kale la filayaa in isbadal lagu sameeyo taliyaasha qeybaha booliiska gobolka Banaadir, talaabadan ayaana ah mid looga hortagayo in ciidamada booliiska ay kahor yimaadaan dowlada taageerana u muujiyaan mucaaradka.

Magaalada Muqdisho ayaa xaalad kale gashay kadib markii xilka laga qaaday taliyihii ugu awooda badnaa booliiska gobolka Banadair Saadaq Joon kaas oo Muqdisho hada ku heesta ciidamo badan iyo gaadiid dagaal ,iyadoona laga cabsi qabo in dowlada weerar ku qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here