Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa maanta lagu wadaa inuu Magaalda Muqdisho ka furmo kal-fahiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo uu furi doono Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh.

Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay soo xaadiraan madaama xildhibaanada la wada gaarsiiyay fariimo loogu sheegayo inuu maanta furmayo shirka kalfadhiga 4-aad.

Advertisement

Ajandaha ugu culus ee aadka loo hadal hayo in baarlamaanku isla maanta u fadhiisan doono ayaa ah qodobka wax ka badalka Dastuurka xili siyaasiyiinta mucaaradka ay badankood ka qeyliyeen qorshaha wax ka badalka Dastuurka.

Siyaasiyiinta ayaa aaminsan in dan u gaar ah uu Madaxweyne Xasan ka leeyahay wax ka badalka Dastuurka taasoo ay ugu weyn tahay mudo kororsi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleQM oo Somalia ugu Hambalyeysay ku biiritaanka Dallada Bariga Afrika
Next articleMacalin Iskuul oo isku dilay Gaalkacyo iyo adeerkiis oo beeniyay inuu is dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here