Magaalada Kampala waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo xaaladaha Dalalka Itoobiya & Suudaan, madaxda IGAD ayaa diiradda saareysa qorshaha lagu wajahayo dalalkaan iyo waxa ay ka yeelanayaan.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo martigeliyay kulankaan ayaa dooddda ugu badan kusoo bandhigaya furitaanka shirka, Xukuumadda Kampala waxa ay u janjeertaa dhinaca TPLF sida uu caddeeyay wiilka uu dhahay Museveni ee Gen. Muhoozi.

Soomaaliya waxaa shirkaan ku metalaya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaxiib dhaw la ah Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed balse marti ku ah Uganda oo taageero la garabtaagan TPLF.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa 10-kii November 2021 soo jeediyay in wahadal lagu dhammeeyo colaadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka Itoobiya & Xoogagga TPLF.

La soco wixii kasoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here