Nin kartooniiste ah oo u dhashay dalka Sweden horeyna u sameeyay Kartoon uu ugu gefay Nabi Maxamed NNKH muslimiintana si weyn uga caroodeen ayaa shalay si xun ugu dhintay shil gaari oo ka dhacay Sweden.

Lars Vilks, oo 75 jir ahaa ayaa ku dhax gubtay gaari booliis uu la socday kadib markii gaarigaasi uu ka baxay wadada ku dhacay gaari xamuul ah, waxaana dab qabsaday gaarigii uu la socday ninkan horey ugu gefay Nabi Maxamed NNKH.

Shilkan waxaa sidoo kale ku geeriyooday labo sargaal booliis oo ilaalo u ahaa ninkan kartoonka ka sameeyay Nabi Maxamed NNKH, halka uu shilkan dhaawac kasoo gaaray darawalkii waday gaariga xamuulka.

Kartooniistahan halaagsamay ayaa horey labo mar uga bad baaday weerar muslimiin careesan ku dili rabeen, waxaana dowlada Sweden ninkan siisay ilaalo gaar ah oo ka ilaalisa weerarada uga imaan kara Muslimiinta.

Muslimiin badan ayaana ku farxay dhimashada ninkan u gefay Nabi Maxamed NNKH, waxaana booliiska dalka Sweden sheegeen in la baarayo sida uu u dhacay shilkan uu ku halaagsamay Lars Vilks.

W/Q Gacal Ayman

Follow me

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here