Kenya ma ka bixi kartaa ee awoodda qasabka ah ee Maxkamadda ICJ?.

Maxkamadda dunida ICJ waa mid kamid ah Hay’adaha Qaramada midoobay, waxuuna u guntay Cahdiga QM Buug dhan oo ah Buugga 14-aad “Chapter XIV, The International Court of Justice Articles 92-96”.

Waxayna awood u leedahay Dacwadaha ka dhaxeeyo Dowladaha, waxayna u qeyb-samaan seddax qeyb markii Dacwadaha ay furanayaan:-

1. Dowlado u baahan in ay ku heshiiyaan in ay dacwoodaan “Special Agreement”. Waana Dowladaha aan xubinka ka ahayn Qaramada Midoobay sida ay sameeyeen Switzerland 1948 ka hor inta aysan ku biirin QM iyo Naruru 1988.

2. Dowlado Aqbalay mar hore in ay u Hoggaasamayaan Dacwad kasta oo ka dhalato “Pre-earlier commitment”. Waxana inta badan lagu qoraa heshiisyada caalamiga ah in waxii murun ka imaado ay gali doonto ICJ waana sababta Iiraan ay uga adkaatay USA heshiiskii “Treaty of Amity, Economic Relations, and Consular Rights signed by Iran and the United States in 1955”.

3. Dowlado qasab ay ku tahay in ay u Hoggaansamaan “Voluntary declaration”. waana Dowladaha Nidaamka saxiixay oo ay ku jiraan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana arintaa xusayo Q. 94/1-aad ee Cahdiga QM ” United Nation Charter”.

Iyada Dowladaha kamidka ah QM ay si toos ah uga midyihiin Maxkamadda ICJ hadana waxaa jiro aqbalaad qasab ah oo ay si iskood ah u saxiixaan Dowladaha awoodda Maxkamadda, waxaana nidaaminayo Q. 36/2-aad ee Xeerka lagu dhisay Maxkamadda.

Kenya ayaa saxiixday awoodda qasabka ah 19-april 1965-tii, halka soomaaliya ay saxiixday 11-april-1963, balse Kenya waxa ay sameeyey saddex arin oo ay soo reebtaya “reservations ” halka Soomaaliya ay si buuxda u saxiixday.

Waxaana kamid ah Kenya wax-yaabaha ay ka gows-qabsatay in Dowladdii ay kala dhaxeyso heshiis in Maxkamadda aysan ka garnaqi Karin, Kenya ayaa u aragto in is afr-garadka Somaliya & Kenya “Memorandum of understanding” ay ku dabaqmayso arintaas balse Kenya waxay iska indha-tireysaa dhawr arin:

1. In Heshiiskaas MOU uusan ahayn mid u jeedadiisa ay tahay xadayn badeed isla markaasna uusan ahayn mid wax xalinayo “ Settlement Method ” sidaas darteedna uusan ugu dabaqmayn gows-qabsiga Kenya ee awoodda Maxkamadda 1965-tii.

2. Murunka la xariira Awoodda Maxkamadda haddii la isku qabsado waxaa kala saarayaa isla Maxkamadda oo xadidayso in ay awood u leedahay iyo in kale, waxaana jideenayo Q. 36/5-aad ee Xeerka Maxkamadda ICJ, taas oo ay Maxkamadda go’aan uga gaartay 2017-dii markii ay ka jawaabaysay ishortaagga Kenya
“ Kenya Preliminary objections ” .

Waxaa is waydiin mudan maxay u shaacin wayday markaas in ay ka baxeen awoodda Maxkamadda, oo ay usoo gudbiyeen doodooda qoraalka ah !.

3. dooda cusub ee Kenya ay ku sababaysay in ay uga baxday Maxkamadda ee MOU-ga ku saabsan waxay ka hor imaanaysaa dooda qoraalka ee Kenya ee ah in ay badda lahaayeen laga soo bilaabo 1979-kii,” within the maritime boundary established by Kenya and respected by both parties since 1979″, maadaama MOU-ga uu sheegayo in labada dal uu ka jiro muran, aysana lahayn xuduud badeed. !.

Intaas oo dhan marka laga soo tago waxaa is waydiin mudan ma laga bixi karaa Awoodda ICJ?.

ICJ waa Hay’ad kamid ah Hay’adaha QM, waxaana si toos ah uga mid ah Dowladaha xubinta ka ah QM, Xeerka Maxkamadda iyo Cahdiga QM midna ma sheegayo ka bixitaanka Dowlad ee nidaamka, ujeedadana waa in aysan dhicin sababihii bur-buriyey Hay’addii ka horeysay UN ee “League of Nations” 10 January 1920 ee lagu dhisay Paris Peace Conference taas oo ka bixitaankii Jaban ay keentay dagaalkii iyo bur-burkii Hay’adda.

Heshiisyada Caalamiga ah ee noqday xeer dhaqameed caalami ah “Customary international law” waxaa laga bixi karaa oo kali ah marka Xeerka laftiisa uu ogalyahay in laga baxo, waliba la maro habraaca ogeysiinta ee qaadata mudada dheer, sidaas ayeyna USA uga baxday Heshiiskii Iiraan maadaama uu ogalaa Q. 23-aad in laga baxo.

Sidoo kale xitaa ka bixitaanka heshiiska ma reebayo in waxii ka horreyey marka laga baxay laguu raacanayo, maadaama mabd’a qaanuunka uu yahay “Non-retroactive laws” oo ah Xeer ama go’aan waxii ka horreeyey oo dhacda ah aysan ku dabaqmaynin, waaba haddii uu yahay go’aanka mid banana !.

Go’aanada noocaan ah ee ay Kenya qaadatay waxaa lagu dajiyaa shucuubta si aysan u kicin, waxaa horey u sameeyey United States dacwad kala dhaxeysay Nicaragua1986, China dacwadii kala dhexeysay Philippines , Nigeria dhulka Bakassi Peninsula dacwadda kala dhaxeysayn Cameroon , dhamaantoodna waxay ka aqbaleen waqti badan kadib.

W/Q. Cali Somali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here