Sida ay sheegeen illo degaanka ah Dowladda Kenya ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogtay gobolka Mershabit ee xuduudka la leh dalka Itoobiya, halkaas oo rabashado xoogan ay ka dhaceen.

Sababta ayaa dowladda Kenya ku sheegtay sidii loo xakameyn lahaa colaadaha isir nacaybka ah ee ku sii kordhaya gobolka, waxaana ciidamada ammaanka oo abaabulan lagu amray inay qabtaan hubka sharci darrada ah.

Kenya ayaa sheegtay in Kooxo hubeysan oo u abaabulan hab beeleed ay dalkii ka dhigeen meel colaad iyo xasilooni darro ah, taas oo keentay in dad badan barakaceen.

Xuduuda Kenya & Itoobiya ayaa waxaa kusii fiday dagaalada u dhaxeeya Jabhada Xoraynta Oromia OLA’ iyo Ciidamada Dawladda Itoobiya, iyada oo dagaaladaas ay gteysteen khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here