Kenya oo Hanjabaad aculus u jeediday dalka Soomaliya

0

Sida uu daabacay wargeyska African Intelligence Golaha Amniga Qaranka Kenya ayaa yeeshay shir uu guddoominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta kaasoo laga soo saaray digniin iyo hanjaad loo jeediyey DF Soomaaliya.

Digniinta iyo hanjabaada ayaa horaantii bishan Oktoobar soo gaarsiiyay dowladda Soomaaliya  Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo.

Qoraalka ayaa dowlada Soomaaliya uga digay in ciidamada Kenya ay rasaas la beegsan doonaan kuwa Soomaaliya, haddii mar kale ay rabshado ka dhacaan xuduudda labada dal.

Uhuru Kenyatta ayaa taliyaha Ciidanka Kenya ku amray inuu caddeeyo in Kenya ay ka go’an tahay inay tallaabo qaado, haddii rabshad kale ay ka dhacdo xuduudda labada dal gaar ahaan aaga Belad-xaawo.

Digniintan ayaa ka dambeeysey ka dib markii xiisadda labada dhinac ay sare u kacday xuduudda Belad xaawo iyo Ceelwaaq dabayaaqadii September, xiligaasoo iska horimaad kooban uu xuduudda ku dhex ciidamada labada dal., markii ciidamada Kenya ay rasaas ku fureen shacab ka banaan-baxayey dad ciidamada Kenya ku dileen degmada Ceelwaaq.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here