Hoggaamiyeyaasha waqooyi bari Kenya, oo uu horkacayo xildhibaanka galbeedka Wajeer Axmed Kolosh, ayaa ka dalbadey dowladda Kenya, iney war ka keento Prof Cabdulwahaab Sheekh Cabdulsamad.

Prof. Cabdulwahaab, oo ah falan qeeye katirsan shirkadda Horn of Africa, ayaa 8-dii bishan September, 2021-ka laga afduubtey wadada Turbman ee magaalada hoose ee Nairobi.

Hoggaamiyeyaasha ayaa la hadley BBC-da, ka dib markii ay kulan la qaateen aggaasimaha hey’adda dambi barista Kenya, George Kinoti.

Aggaasimaha ayaa sheegay iney bilaabeen baaritaanka, sababihii keenay in falan qeeyihii shirkadda Horn of Africa laga afduubto magaalada Nairobi.

Illaa iyo haatan lama ogga meesha uu kusugan yahay Prof Cabdulwahaab.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here