Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen bariga Kenya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya.

Waxa ay sidoo kale soo furteen hub ay ka mid ahaayeen baasuukayaal iyo walxaha qarxa, kadib markii ay kula dagaallameen Al-Shabaab  tuulada Galmagalla ee ismaamulka Gaarisa, sida uu yiri Thomas Bett, oo ah guddoomiye ku xigeenka deegaanka Bura.

“Howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ku sugan gobolka waxaa fuliyay kooxdeena hay’adaha kala duwan ah…waxana ay ku guulaysteen in ay ka takhalusaan 10 ka mid ah, waxana ay soo furteen hubkii ay weerarka kusoo qaadeen,”ayuu u sheegay Reuters.

Al-Shabaab ayaa weerarro ku qaadday goobo ay ku sugnaayeen gudaha Kenya muddo sannado ah si ay ugu cadaadiyaan inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, kuwaas oo ka caawinaya dowladda dhexe ee Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Toddobaadkii hore, Al-Shabaab ayaa dishay afar ka mid ah shaqaalaha maamulka waddooyinka waaweyn ee Kenya, kadib markii qarax lala eegtay baabuur ay wateen oo marayey waddo ku taalla degmada Gaarisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here