Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30-ka bisha Juun ee 2022-ka.

Arrintaas waxaa shaaca ka qaaday wasiirka amniga gudaha ee Kenya, Fred Matiangí, kaddib markii uu shalay gelinkii dambe kulan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi.

Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Dr Matiangi wuxuu kaloo sheegay in mas’uuliyiin ka kala socda dowladda Kenya iyo hay’adda Qramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay isla garteen in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabo 5-ta bisha May ee 2022-ka.

Hannaankan ugu dambeeyay waxaa ka mid ah inaan cidna qasab lagu rarin oo qaxootiga ay iskood dalkooda ugu laabtaan ama la siiyo shati ay uga shaqaysan karaan ama ku degi karaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Dowladda Kenya ayaa bishii Maarso waxa ay Qaramada Midoobay in muddo laba todobaad ah ay kula timaado hannaankii lagu xiri lahaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qof.

Kenya ayaa waxa ay qaxootigaas martigelinaysay muddo 30 sanadood ah, dowladduna waxa ay haatan sheegaysaa in aanay awood u lahayn inay dadkaas sii hayso maadaama dhaqaale ahaan lagu jiro xilli adag.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee wasaaradda amniga gudaha, Karanja Kibicho, ayaa sheegay in go’aanka ay dowladda Kenya ku xireyso 30-ka June 2022-ka xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ‘ay ku jirto danta bulshadeenna’.
Maxay Qaramada Midoobay sheegtay?

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR waxay sheegtay in go’aankan uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka Karoona.

“Waxaan aaminsamahay in shacbaka iyo dowladda Kenya ay sii wadi doonan soo dhaweyntooda ay deeqsinimda ku dheehantahay ee ku aaddan qaxootiga taasi oo ay muddo 30 sannadood ah soo wadeen, inta aad wadno geeddi socodka xalka loogu raadinayo qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma,” ayuu yiri madaxa hay’adda UNHCR Filippo Grandi oo ku sugan Nairobi.
Hay’adda UNHCR waxay hore u sheegtay iney sii wadi doonto wadahadallada ay arrintan kala yeelaneyso mas’uuliyiinta Kenya.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa dhanka kale is hortaagtay go’aanka ay dowladda ku dooneysay inay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, qaxootiga halkaa ku noolna ay dib ugu celiso Soomaaliya.

Maxkmadda sare ayaa go’ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn. Waxaa kale oo ay sheegtay in go’aankaasi uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga.

Xiritaanka xeryaha maxay Soomaaliya ka tiri?
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay fajaciso ku noqotay go’aankii ay dhawaan dowladda Kenya wakhtiga kooban ugu qabatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ee ahaa in gebi ahaanba la xiro xeryahaya qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo tobaannaan kun oo Soomaali ah ay ku nool yihiin.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay isku khaldayso arrimaha siyaasadda iyo kuwa bini’aadanimada, isagoo intaa ku daray in dadka qaxootiga ah ay ku joogaan Kenya sharci caalami ah oo mudan in la ilaaliyo.

“Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go’aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay,Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah.”

“Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga.”

Kenya iyada ayaa faa’iidada ugu badan ka hesha qaxootiga, sannadkiiba waxaa ka soo gala qiyaas ahaan nus bilyan doolar iyadaaba dhaqaale ku qabta marka u maleyn maayo inay dan badan ugu jirto dib u celinta qaxootiga.”

“Waxaan hadda wadnaa dib u xoreynta dalka oo gobolladii muhiimka ahaa sida gobolka Jubbada dhexe oo ay dadka qaxootiga qaarkood ka yimaadeen waxaa haysta Al-shabaab marka waxaan is leeyahay in hadda la siyaasadeeyo arrimaha qaxootiga ee cadowga soo barakiciyay dhulkoodii in aanay dani ugu jirin darisnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha bariga Afrika.”

Wasiir Dubbe oo ay BBC-da weydisay maadaamaa uu sheegay inaan la siyaasadaynin arrimaha qaxootiga in Soomaaliya xitaa ay horay u qaadday tallaabooyin la xiriira ganacsiga sida joojinta qaadka ayaa sheegay in qaadka loo joojiyay ka hortagga fayraska coorna awggii.
Soomaaliya ay xayirtay ganacsigii qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaasoo xukuumadda Nairobi uu uga soo xaroon jiray dhaqaale xoog leh inkastoo markii dambe dib loo furay.

Mareykanka ma wuxuu hor istaagayaa in Kenya ay dib u celiso qaxootiga?

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay Kenya ka caawiso sidii ay u sii wadi lahayd marti galinta qaxootiga ay Soomaalida ku jiraan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya uu Mareykanka siiyay Kenya lacag dhan $106 milyan oo doolar, taasoo qeyb ka ah dhaqaalaha lagu bixiyo qaabilidda dadka magangalyo doonka ah.

Hadalkan ayaa yimid xilli ay dhawaan Kenya ku dhawaaqday inay albaabbada isugu dhufaneyso xeryaha dhadhaab iyo Kaakuma oo hoy u ah boqollaal kun oo kasoo barakacay colaadaha waddamo ka tirsan Afrika.

“Xuquuqda bani’aadanka waa muhiimadda koowaad ee siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka uu adeegsado. Mareykanku wuxuu bixiyay ku dhawaad $106 milyan si loogu ilaaliyo qaxootiga laguna gargaaro howlaha bani’aadannimada taasoo uu ku caawiyay Kenya maadaama ay hoggaamiso dalalka gobolka ee martigaliya qaxootiga iyo magangalyo doonka kasoo jeeda Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Itoobiya iyo meelo kale.” Ayaa lagu yidhi bayaanka.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here