Dowladda Kenya, ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay soo afjarto weerarrada Al-shabaab ka gaystaan gudaha Kenya, isla markaana ay sidoo kale kula dagaallamayaan gudaha Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlayay bulshada ku dhaqan deegaanka Masalani oo ka tirsan ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-Bari kenya ayaa sheegay in dowladdiisu aaney aqbali doonin in ururka Shabaab uu weerarro ka gaysto gudaha kenya.

Advertisement

Wuxuu sheegay wasiir Ducaale in dowladdiisu aaney sidoo kale u dul qaadan doonin in Shabaab gudaha dalkiisa ay ku faafiyaan fikradaha xag-jirnimada ah, ayna weeraraan fariisamaha ciidamada Kenya.

Kenya ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ee Soomaaliya, waxaana u jeedku yahay in ay la dagaallamaan Al-shabaab, gacanna ka siiyaan dowladda federaalka xasilloonida dalka.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo Soomaali ah ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan Gudaha meelo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari, isla markaana todobaadkii la soo dhaafay Askar Kenyan ah lagu dilay weerar ay geysteen Al-Shabaab.

Previous articleMW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo DG Puntland & Mucaaradka kasoo horjeeda ugu baaqay in khilaafka ka dhex jira wadahadal ay ku xaliyaan.
Next articleBeesha Caalamka oo wadahadal ugu baaqday Xukuumadda Deni & Mucaaradka kasoo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here