Kenya ayaa soo dhaweeysay Warbixinta Guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee la xiriirtay dacwadii Somalia ka gudbisay Kenya.

Warbixinta guddiga IGAD ayaa lagu sheegay in eedeymaha Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ay yihiin kuwa aan sal laheyn.

Qoraal ay soo saartay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay warbixinta IGAD ay muujineyso sida Kenya aysan wax fara gelin ah ugu heynin Somalia.

“Annaga oo la shaqaynayna maamullada kala duwan ee Soomaalida, wax kharash ah kuma rabno in aan ka shaqayno xasilloonida Soomaaliya, waxaana warbixintan ay cadeyneysaa in eedeynta Soomaaliya aysan waxba ka jirin” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Kenya.

Kenya ayaa intaas ku dartay in arrintan ay caddeyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya uu ahaa mid aan qiil laheyn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida gargaarka iyo adeegyada kale u raaadsada Kenya.

Dowlada Somalia ayaa ku gacan seyrtay warnixinta ka soo baxday IGAD oo ay sheegtay iney tahay mid loogu xagliyey Kenya oo aan la aqbali Karin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KENYA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here